Hordhac: Arsenal vs Leeds: Gunners Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Leeds.

Hordhac: Arsenal vs Leeds: Gunners Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Leeds.


Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda Leeds United kulan ka dhici doona Emirates kana tirsan todobaadkii 24-aad ee horyaalka premier League.

Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib markii laba kulan oo xidhiidh ah laga badiyay Premier League.

Dhanka kale Leeds ayaa Kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira qaab ciyaareed fiican waliba badiyay kulankii ugu dambeeyay ee Premier League.


Kulanka: Arsenal Vs Leeds United


Tartanka: Premier League


Wakhtiga: 7:30


Garoonka: Emirates Stadium


XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal ayaan laga badin 27-kii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League ay la ciyaartay kooxaha soo dalay kuna ciyaarayso garoonkeeda tan ilaa 2010/2011 markaas oo ay guuldaro kala kulmeen kooxaha West Bromwich Albion & Newcastle United.

Bukayo Saka ayaa abuuray fursadaha ugu badan sidoo kale lagu galay khaladka ugu badan marka loo bar-bar dhigo xiddigaha kale ee Arsenal xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay 5 gool halka uu caawiye ka noqday 2 kale.

Leeds ayaa isha ku haysa in ay gaadho guusheedii 3-aad oo xidhiidh ah premier League kulamada martida markii ugu horaysay tan ilaa August 2002.

Leeds United ayaa ku fashilantay in ay gool ka dhaliso Arsenal labadii kulan ee ugu dambeeyay ee tartamada oo dhan tan intii uu Marcelo Bielsa hogaaminayay waana kooxda kaliya ee uuna tababare Marcelo Bielsa xirfadiisa tababare wax gool ah ka dhalin inkasta oo uu laba jeer wajahay.


Source: laacibfm.com

SHARE