Hordhac: West Brom vs Man United: Red Devils Oo Ku Dhibaatoota Kooxaha Ugu Hooseeya Premier League.

Hordhac: West Brom vs Man United: Red Devils Oo Ku Dhibaatoota Kooxaha Ugu Hooseeya Premier League.


Kooxda Man United ayaa marti u noqon doonta kooxda West Brom kulan ka tirsan todobaadkii 24-aad ee horyaalka premier League kana dhici doona garoonka The Hawthorns.

Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib bar-barihii ay la gashay Everton todobaadkii hore.

Dhanka kale West Brom ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay u dagaalamaan sidii ay u sii joogi lahayeen premier League.


Kulanka: West Brom Vs Liverpool


Tartanka: Premier League


Wakhtiga: 5:00


Garoonka: The Hawthorns


XAQIIOOYINKA KULANKA:

Sam Allardyce Ayaa garaacay laba ka mid ahh 3-diisii kulan ee ugu horeeyay Premeir League isaga oo labadaba kaga badiyay Old Trafford isaga oo garaacay 2001/2002 iyo 2002/2003 aakiin wixii intaas ka dambeeyay waxa uu gaadhay hal guul 22 kulan.

West Brom ayaa laga dhaliyay goolasha ugu badan premier League iyada oo laga dhaliyay 54 gool halka ay Man United dhalisay goolasha ugu badan iyaga oo dhaliyay 49 gool.

Intii uu hogaaminayay tababare Ole Gunnar Solskjær Kooxda Man United ayaa laga badiyay kulamada ugu badan ee kooxaha ugu hooseeya horyaalka premier League 10 ayay la ciyaartay 5 ayaa laga badiyay waxa ay badisay 10 waxa ay bar-baro gashay 2.

Edinson Cavani ayaa isha ku haya in uu dhaliyo goolkiisii 3-aad oo xidhiidh ah markii ugu horaysay bishii January 2019 markaas oo uu u ciyaarayay kooxda PSG.


Source: laacibfm.com

SHARE