Klopp Oo Ka Hadlay Khaladkii Alisson Ee Kulankii Leicester City.


Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay khaladkii Goolhaye Alisson ee kulankii Leicester City sababtana u noqday goolkii uu dhaiyay Jamie Vardy.

Liverpool ayaa guuldaro 3/1 ah kala kulantay kooxda Leicester City kulan ka tirsanaa todobaadkii 24-aad ee horyaalka premier League.

Tababare Jurgen Klopp ayaa difaacay Goolhayae Alisson oo kulankii 2-aad oo xidhiidh ah khalad sameeyay kulamada kooxdiisa.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Is Faham la’aan ayaa sabab u ahayd goolkii Jamie Vardy”.

“Goolka 2-aad waxa aan filayay in aan maqlo cid qaylida si ay Alisson ugu digto laakiin ma maqlin kadib kubada ayaa aaday Vardy mana ahan wax fiican hadii uu Vardy helo kubada”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE