Klopp Oo Sameeyay Qirasho Ku Saabsan Horyaalka Premeir League.

Klopp Oo Sameeyay Qirasho Ku Saabsan Horyaalka Premeir League.


Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa qirtay in ay soo dhamaatay fursadii ay kooxdiisu ku difaacan lahayd horyaalka premier League kadib guuldaradii Leicester City.

Reds ayaa 10 dhibcood ka dambaysa Man City xilli ay laba kulan gacanta ku haystaan kadib guuldaradii ka soo gaadhay Leicester City.

Alisson ayaa mar kale sameeyay khalad sabab u noqday in gool laga dhaliyo kooxda Arsenal kulankii Leicester City ee premier League.

“Haa uma malaynayo in aan difaacan karno horyaalka premier League, farqiga dhibcaha ayaa aad noogu badan”ayuu Klopp yidhi.

“Haatan waa in aan guulo gaadhno kulamada waa in aan ka fogaano khaladaadka iyo is faham waaga”.

“Haatan kama fikirayno horyaalka arintaas waa arin xun”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.


Source: laacibfm.com

SHARE