Leicester City OO Xasuuqday Liverpool & Xaalka Oo Ku Sii Xumaanaya Jurgen Klopp.

Leicester City OO Xasuuqday Liverpool & Xaalka Oo Ku Sii Xumaanaya Jurgen Klopp.


Kooxda Liverpool ayaa sii wada luminta dhibacaha premier League kadib guuldaro ay kala kulantay kooxda Leicester City kulan premier League ahaa.


Qaybta hore:

Liverpool ayaa shaki la’aan is waydiinaysa sababta ay guuldarada ugula kulantay kooxda Leicester City marka loo eego qaab ciyaareedkooda.

Reds ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo ka awood badnaa Leicester City hadii ay noqoto kubad haysashada iyo waliba fursadaha.

Reds ayaa samaysay fursado cajiib ah oo ay goolal ku doonayeen xilli Leciester City ku dhibaatoonaysay in ay wax fursado waaweyn ah samayso marka laga reebo fursad uu Jamie Vardy birta ku dhuftay fursad waali ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool ahayd kooxda fiican laakiin ayna wax goolal ah dhalin ciyaartuna bar-baro tahay.


Qaybtii dambe:

Kooxda Liverpool ayaa sii waday dadaalka ay ku doonayso fursadaha iyaga oo doonayay in ay ciyaarta wax ka badalaan.

Daqiiqadii 67-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu Mohamed Salah u dhaliyay ciyaartana ka dhigay 1/0.

Liverpool ayaa isku dayday in ay sii dheeraysato hogaanka laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay wax goolal ah dhaliyaan.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa gabi ahaan bur-burtay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta iyada oo 7 daqiiqo gudeheed 3 gool looga dhaliyay.

Daqiiqadii 78-aad ayay Leicester City dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga James Maddison kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Saddex daqiiqo kadib ayay Leicester City dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay Jamie Vardy kadib khalad waali ah oo uu sameeyay Alisson waxana uu Vardy ciyaarta ka dhigay 2/1.

Daqiiqadii 85-aad ayay Lieciester City dhalisay goolka 3-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Harvy Barnes kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool la kulantay guuldaradii 3-aad oo xidhiidh ah horyaalka premier League.


Source: laacibfm.com

SHARE