Leicester City Vs Liveprool : Kooxda Dawacooyinka Muddo Afar Sano Ah Kama Aysan Badin Reds


Liverpool ayaa kulan adag marti ugu ah kooxda Leicester City ,waxa ayna kulankaas galayaan iyadoo Fabinho uu ka maqan yahay sababo la xariira dhaawac muruqa ah oo haya .

Saxiixyada cusub Ben Davies iyo Ozan Kabak ayaa la heli karaa kulankaas balse lama oga go`aanka macalin Klopp uu qaadan doono.

Xogta kulanka

*Liverpool ayaa badisay 12 oo qeyb ka ah 17 kulan hore oo horyaalka ah oo ay la ciyaareen Leicester, waxaana ugu dambeeysay 6 kulan oo qeyb ka ah 7-dii kulan e la soo dhaafay

* Leicester City ayaa guul dareystay sedexdii kulan ee ugu dambeeyay garoonkooda ee horyaalka oo ay la ciyaareen Liverpool

* Guushii ugu dambeeysay ee Leicester ka gaaraan Liverpol waxa ay aheyd February 2017 waxa ayna waqtigaas ku garaaceen 3/1

* Leicester kaliya hal guul ayay gaareen afartii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay ciyaareen

* Liverpool 5 kulan ayay guul dareysteen oo qeyb ka ah 9 kulan oo a ciyaareen sanadkaan 2021-da , waxa ay badiyeen sedex jeer halka hal jeerna ay galeen bar bar dhac

* Liverpool waxa ay badiyeen lix kulan oo qeyb ka ah 17-kii kulan ee hore horyaalka ee ay banaanka garoonkooda ku soo ciyaareen


Source: laacibfm.com

SHARE