Lionel Messi Oo Isha Ku Haya Rikoodh Uu Xavi Ka Dhigay Barcelona Kulanka Alaves.

Lionel Messi Oo Isha Ku Haya Rikoodh Uu Xavi Ka Dhigay Barcelona Kulanka Alaves.


Kooxda Barcelona ayaa kulan adag la ciyaari doonta kooxda Alaves kulan ka tirsan horyaalka La Liga todobaadkii 23-aad ee xilli ciyaareedka.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa la filayaa in uu ku bilowdo shaxda kooxdiisa waliba hogaamiyo weerarka Barcelona ee kulanka.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu Lionel Messi isha ku hayo rikoodh uu horay u dhigay Halyeeyga kooxda Barcelona ee Xavi.

Hadii uu Lionel Messi ku bilowdo shaxda Barcelona waxa uu Ciyaari doonaa kulankii 505-aad ee horyaalka La Liga waxana uu sidaas ku bar-barayn doonaa rikoodhkii uu Xavi u dhigay kooxda Barcelona horyaalka La Liga.


Source: laacibfm.com

SHARE