Liverpool Oo Isha Ku Haysa In Ay Ka Fogaato Rikoodh Xun Oo Ay Dhigtay 7 Sano Ka Hor.

Liverpool Oo Isha Ku Haysa In Ay Ka Fogaato Rikoodh Xun Oo Ay Dhigtay 7 Sano Ka Hor.


Kooxda Liverpool ayaa si aad ah u doonaysa in ay ka fogaato rikoodh xun oo ay dhigtay marka ay la ciyaari doonto Leicester City kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Kooxda Liverpool ayaa laga badiyay 2-dii kulan ee ugu dambeeyay waliba qaab xidhiidh ah markii ay guuldarooyin kala kulmeen Brighton iyo Man City.

Waxa intaas sii dheer in ay Liverpool kaliya dhibco yar ka qaadatay 9-kii kulan ee ugu dambeeyay premier League.

Guuldaro ay kala kulmaan kooxda Leicester City ayaa la macno ah in ay Liverpool guuldaro la kulantay 3 kulan oo xidhiidh ah prmeier League markii ugu horaysay tan ilaa November 2014.

Markii ay Liverpool rikoodhkaas dhigtay waxa kooxda hogaaminayay tababaraha haatan Leicester City hogaamiya ee Brendan Rodgers.


Source: laacibfm.com

SHARE