Man City Oo Isha Ku Haysa In Ay Bar-Barayso Rikoodh Kooxdu Horay U Dhigtay Premier League.


Kooxda Man City ayaa isha ku haysa in ay bar-barayso rikoodh ay ka dhigtay premier League ahna ilaalinta shabaqeeda marka ay la ciyaari doonto kooxda Tottenham caawa.

Kooxda Pep Guardiola ayaa ah koox si fiican u difaacanaysa premier League waxana ay dhawaan jabiyeen rikoodhka guulaha England iyaga oo 16 kulan oo xidhiidh ah badiyay.

Arinta ka dambaysa guulohooda ayaa ah difaacooda kuwaas oo kulamo badan shabaqooda ilaashaday xilli ciyaareedkan premier League.

City ayaa 6 kulan oo xidhiidh ah shabaqeeda ilaashatay tartamada oo dhan marka ay ku ciyaarayso garoonkeeda hadii ay kulanka Tottenham ilaashadaan shabaqooda waxa ay bar-barayn doonaan rikoodhkoodii ugu fiicnaa ee nadaafada goolasha iyaga oo 7 kulan oo xidhiidh ah shabaqooda ilaashan doona.

Man City ayaa rikoodhkaas Premier League ka dhigtay xilli ciyaareedkii 1964/1947 markaas oo ay ku guulaysteen horyaalka.


Source: laacibfm.com

SHARE