Man City Oo U Awood Sheegatay Tottenham Xilli Hantiilayaasha Uu U Soo Baxay Weeraryahan Cusub

Man City Oo U Awood Sheegatay Tottenham Xilli Hantiilayaasha Uu U Soo Baxay Weeraryahan Cusub


Man City ayaa u awood sheegatay Tottenham oo ay ku garaceen sedex gool oo nadiif ah xilli wiuilasha Jose ay soo bandhigeen ciyaar cabsi ah .

Maan City iyo Tottenham ayaa nasiinada ku aaday hal gool oo nadiif ah oo ay City laheyd , waxa uuna kulankaas ka tirsanaa wareegga 24-aad ee horyaalka Ingiriiska

City iyaga ayaa wacnaa qeybtaas hore inkastoo daqiiqaddii 13-aad Harry Kane kubad gool noqon laheyd ay kaga dhacday birta , waxa ayna Tottenam ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah .

City wax aay ku wacnaayeen isku balaarinta garoonka oo mararka qaar tiro dheri ah in ay ciyaarayaan ayaa la mooday balse waxaa ku yaraa fursad abuurista maxaa yeelay daafaca Tottenham ayaa adkaa .

Goolka City waxa uu ahaa mid ku yimid rigooro ka dib qalad lagu galay Ilkay Gundogan waxaana dhaliyay oo loo dhiibay Rodri waxa ayna aheyd daqiiqadii 23-aad.

Tottenham heer ciyaareedkooda waxa uu iska ahaa mid iska dhex dhexaad ah waxa ayna ka sheeganayeen in kubadda cagtooda ay ka baxeysay waliba afka hore ee kooxdaas.

Soo laabashadii , City halkooda ayay ka sii wadeen weerarka cadaadiska ah illaa ay ka keeneen gool labaad uu ka shaqeeyay Raheem waxaana shabaqa dhigay Ilkay Gundogan waxa ayna aheyd daqiiqadii 50-aad

City daafac ahaan iyo weerarba waa isu dheeli tirnaayeen waliba waxa ay ku wacnaayeen cadaadiska afka hore xittaa iyaga oo aan kubadda haysan.Tottenham cabsi weyn ayay muujinayeen si saxna ah horay ugu soo dhaqaaqayeen illaa gool sedexaad ee uu soo laaday goolhaaha City loo raaciyo waxaana daafaca Tolttenham ceebeystay oo si cajiib ah shabaqa u dhigay Ilkay Gundogan waxa ayn aheyd daqiiqadii 6-aad waxaan ka dib lagua adalay Torres .

Tottenham kulankaan waxaa ka muuqday in aysan  si sax ah ugu soo diyaar garoobin kulankaas waxaan loogu dhameeyay sedexdaas gool

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City garaacday kooxda Tottenham siina waday rikoodhkeeda cajiibka ah ee guulaha.


Source: laacibfm.com

SHARE