Man City Vs Tottenham : Tababare Jose Oo Rikoor Ku Sameyn Kara Guul Uu Ka Soo Gaaro Pep

Man City Vs Tottenham : Tababare Jose Oo Rikoor Ku Sameyn Kara Guul Uu Ka Soo Gaaro Pep


Man City ayaa kulan adag waxa ay ku marti gilinayaan Tottenham waxaana kulankaan la filayaa in uu diyaar u ahaado Aguero kaasi oo 11 kulan ka maqnaa kooxdaas.

Rubben Dias iyo Rodrigo waxaa la filayaa in iyana qeyb ka noqdaan kulankaan balse Fernandinho ayaa la hubaa in uu seegayo .


Xogta Kulanka

* Man City ayaa badisay 7 ka mid ah 10-kii kulan ee hore ee ay Tottenham ku marti gilliyen Etihad

* City 15 kulan xariir ah ayay guul wataan dhamaan tartamada xilli ciyaareedkaan, sidoo kale waa bilaa guul darro tan iyo kulankii November ee Tottenham xilligaas oo looga badiyay laba gool oo nadiif ah .

* City kaliya sedex gool ayay qaabileen 14-kii kulan ee hore ee horyaalka , haddii kulankaan ka baxaan iyadoo shabaqooda gool taaban waxa ay u noqneysaa markii todobad xariir ah waliba garoonkooda ah oo ay sidaa sameynayaan tan iyo sanadihi December 1946 iyo March 194

* Macalin Pep iyo Jose 24 kulan ayay iska hor yimaadeen xilli Pep 9 jeer uu badiyay halka Jose uu wato 7 jeer.

* Tottenham kaliya hal kulan ayay soo badiyeen lixdii kulan ee hore ee ay banaanka garoonkooda ku soo ciyaareen, sedex bar bar dhac iyo laba gool darro yay wataan.

* Tababre Joe ayaa noqon kara macalinkii ugu horeeyay oo sedex kulan is xiga oo banaanka garoonkiisa ah garaaca dhigiisa Pep dhamaan tartamada


Source: laacibfm.com

SHARE