Napoli Oo Garaacday Juventus Dhabarkana U Saartay Guuldaradii 4-aad Ee Xilli Ciyaareedka


Kooxda Juventus ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Napoli kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A-da kana dhacay garoonka Diago Armando Maradona.

Kooxda Napoli ayaa ahayd kooxda fiican iyaga oo ka awood badnaa kooxda Juventus kuna khatar galinayay weeraro rogaal celis ah oo ay ku qaadayeen Juventus.

Juventus ayaa maamulaysay ciyaarta laakiin waxa ay ka hor tagtay difaac darbi ah oo ay Napoli hor dhigatay goolkeeda uguna diideen in ay goolal ku dhaliyaan.

Daqiiqadii 31-aad ayay Kooxda Juventus heshay Rikoodhe waxana gool u badalay xiddiga Lorenzo Insigne kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Napoli hogaaminayso natiijo ahaan waliba soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican.

Qaybta dambe ee ciyaarta ayaa ahayd mid ay Juventus wax walba u samaysay sidii ay goolal u dhalin lahayd uguna soo laaban lahayd ciyaarta.

Laakiin Napoli ayaa si fiican u difaacatay Goolkeeda waxana ay sidoo kale qaadayeen weeraro rogaal celis oo ay ku halis galiyeen kooxda Juventus.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Napoli gaadhay guul qaali ah sidoo kale Juventud dhabarka u saartay guuldaradii 4-aad oo xidhiidh ah.


Source: laacibfm.com

SHARE