Ole Gunnar Solskjaer Oo Xaqiijiyay In Ay Kooxdiisu Si Gaar Ah Ula Socoto Weeraryahan Wacdaro Ka Dhigaya Yurub.

Ole Gunnar Solskjaer Oo Xaqiijiyay In Ay Kooxdiisu Si Gaar Ah Ula Socoto Weeraryahan Wacdaro Ka Dhigaya Yurub.


Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay in ay isaga iyo kooxdiisa Man United si gaar ah ula socoto xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Man United iyo kooxo kale oo waaweyn ka hor intii uuna xiddigu ku biirin kooxda Borussia Dortmund.

Man United ayaa la aaminsanyahay in ay wali xiiso u qabto saxiixa xiddiga Erling Braut Haaland Solskjaer ayana xaqiijiyay in uu si gaar ah ula scoda xiddiga.

“Erling Braut Haaland waxa uu yeelan doonaa xirfad ciyaareed oo cajiib ah, waan la soconaa Erling Braut Haaland, mar walba waxa aan sheegay in aan mar wada shaqayn doono”ayuu Solskjaer yidhi.

“Haatan waxa uu shaqo fiican ka qabanayaa Dortmund waxana aan eegi doonaa waxa dhaca bilaha soo socda”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE