RASMI: Zidane Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Valencia.


Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Valencia horyaalka La Liga.

Waxa Liiska ka maqan xiddiga Marcelo oo ku biiray xiddigihii horay dhaawaca uga maqnaa kulamadii ugu dambeeyay ee kooxda.

Laakiin waxa markan war fiican u ah kooxda liiskana ku soo laabtay xiddigaha Carvajal oo dhaawac ka soo laabtay iyo Kroos oo ganaax ka soo laabtay.

Tababare Zidane ayaa Sidoo kale Liiska ku soo daray xiddiga Lucas Vazquez kaas oo dhaawac ka soo laabtay dhankiisa.


Source: laacibfm.com

SHARE