Real Madrid Oo Diyaarsatay 4-ta Daafac Ee Ay Ku Buuxin Karto Booska Sergio Ramos.


Kooxda Real Madrid ayaa bilowday isku diyaarinta nolosha ka dambaysa kabtankooda Sergio Ramos kaas oo la filayo in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sergio Ramos ayuu heshiiskiisa Real Madrid dhici doonaa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu si xor ah uga tagi karaa kooxda.

Wargayska AS ayaa sheegay in ay Real Madrid diyaarsatay 4 daafac oo ay midkood ka dooran doonto badalka Sergio Ramos marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga ugu horeeya ayaa ah xiddiga kooxda Bayern Munich ee David Alaba kaas oo qaab xor ah uga tagi doona dhankiisa kooxda Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Dookha David Alaba ayaa ah midka ay Los Blancos si weyn ugu qanacsantahay maadama ayna kooxdu wax lacag ah ka bixin doonin xiddiga maadama uu heshiiskiisu dhici doono sida Sergio Ramos.

Dookha 2-aad ee xiddiga ay Real Madrid u doonayso badalka Sergio Ramos ayaa ah xiddiga kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly kaas oo ay kooxdiisa Napoli diyaar u tahay in ay iska iibiso xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 3-aad ayaa ah daafac wakhtigii ugu dambeeyay si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Real Madrid waana daafaca kooxda Sevilla ee Jules Koundé kaas oo ay kooxdiisu ku qiimayso lacag dhan 55 milyan oo euro.

Xiddiga ugu dambeeya ayaa ah Paul Torres waana daafaca kooxda Villarreal waxan ay Los Blancos ku heli kartaa lacag aad u jaban marka loo bar-bar dhigo xiddigaha kale ee liiska ku jira.


Source: laacibfm.com

SHARE