Rio Ferdinand Oo Saadaaliyay Halka Ay Chelsea Kaga dhamaysan Doonto Premier League.


Halyeeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa rumaysan in ay chelsea ku dhamaysan doonto meel ka baxsan boosaska champions League xilli ciyaareedka dambe isaga oo sheegay in ay Leicester City ku dhamaysan doonto booskooda.

Kooxda Chelsea ayaa shaqada ka caydhisay Frank Lampard kadib qaab ciyaareed xun oo ay soo bandhigtay kooxda iyaga oo u dhiibay Thomas Tuchel.

Rio Ferdinand oo la hadlaya ayaa yidhi”Waxan u malaynayaa in ay chelsea ka hadhi doonto boosaska champions League”.

“Leicester City ayaa ku jirta qaab ciyaareed fiican waxana ay waliba si joogto ah u soo bandhigayaan qaab ciyaareed fiicanwaxana aan u malaynayaa in ay booska chelsea ku soo bixi doonto”.


Source: laacibfm.com

SHARE