Ronald Koeman Oo Kashifay Kulanka Ka Muhiimsan Kulanka PSG Ee Champions League.


Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa si lama filaan ah u sheegay in kulanka Deportivo Alaves ee ay kooxdiisu caawa la ciyaari doonto ka muhiimsan yahay kulanka PSG ee champions league ee Bartamaha todobaadkan.

Kooxda Barceona ayaa caawa marti galin doota kooxda Alaves kulan ka tirsan todobaadkii 23-aad ee horyaalka La Liga.

Xilli uu ku jiray shirkii ka horeeyay kulanka ayaa Ronald Koeman Waxa laga waydiiyay Kulanka PSG iyo waliba xiddiga Neymar.

Laakiin Ronald Koeman ayaa sheegay in uu kulanka Alaves haatan uga muhiimsan yahay kulanka PSG ee champions League.

“Neymar uma ciyaaro Alaves, sidaas darteed su’aashaas waxa aan ka jawaabi doonaa Isniinta, maanta kama jawaabayo”ayuu Ronald Koeman yidhi.

“Wax shak ah kama qabo in ay xiddigahaygu diirada saarayaan kulanka Alaves”.

“Kulanka Alaves ayaa ka muhiimsan kulanka PSG sababta oo ah waxa aan ka fikiraynaa kulan walba wakhtigiisa”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE