Shaxda Laga Yaabo In Ay Liverpool Kaga Hor Tagto Leicester City

Shaxda Laga Yaabo In Ay Liverpool Kaga Hor Tagto Leicester City


Kooxda Liverpool ayaa marti u noqon doonta kooxda Leicester City kulan ka tirsan premier League kulan ka dhici doona garoonka King Power Staduim.

Kooxda Liverpool ayaa ku qasban in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib guuldaradii 4/1 ahayd ee ka soo gaadhay kooxda Man City todobaadkii hore.

Mar kale ayay dhaawacyo cusub soo gaadheen Reds kadib markii la xaqiijiyay in uu Fabinho seegi doono kulanka Leicester City dhaawac soo gaadhay.

Dhaawacaas ayaa la macno ah in uu Daafaca cusub ee Kabak Ku bilaaban doono kulankiisii ugu horeeyay tan ilaa markii uu ku soo bilowdo Reds.

Kabtanka Jordan Henderson ayaa la filayaa in uu daafaca kula bilowdo Kabak kulanka ay Reds la ciyaari doonto kooxda Leicester City.


Source: laacibfm.com

SHARE