Aubameyang Oo Guul Weyn Ku Hogaamiyay Arsenal , Leeds United Ayay Ka Talaabsadeen


Arsenal ayaa guul weyn ka gaarya kooxda Leeds United oo marti u aheyd waxa ayna uga talaabsadeen 4/2 xilli Aubameyang uu dhaliyay sedexleey

Arsenal waxa ay qeybta hore kulankaas soo bandhigeen ciyaar daafac iyo weerarba isu dheeli tiran waxa ayna natiijada go`aamiyeen qeybtii hore

Sedex gool oo nadiif ah ayaa Leeds loogu diray nasiinada waxaana kala dhaliyay Aubameyang oo laba ah xilli mid ay aheyd rigoore waxaana sedexaad lahaa Aubameyang.

Arsenal kulankaan waxa ay aad ugu wacnaayeen in ay si sax u gaarayeen gudaha fog ee kooxda Leeds oo mararka qaar illaa 7 ciyaartooy ayaa afka hore kooxdaas tagayay waxa uuna goolka afaraad Arsenal yimid daqiiqadihii hore ee qeybta labaad waxaana saxiixay .

Sidoo kale Arsenal waxa ay ciyaartay kubad cadaadis aan kala joogsi laheyn xilli Leeds goolka koowaad ay heshay daqiiqaddi 58-aad halka labaad ay sii raacsadeen daqiiqadii 69-aad

Leeds waa ay wacnaayeen qeybta labaad waliba kubadaha rogaal celiska ah tooska ah ayay ku tiirsanayeen xilli Arsenal mararka qaar ay sahal aheyd in la gaaro aagga gooshooda

Heerka kubad hayashada labada koox waa isu dhaweyd qeybta hore Arsenal ayaa yara yareysay halka qeybta labaad u janjeertay dhanka Leeds United .

Waxaa xusid mudan in qeybta hore ASrsenal ay soo bandhigeen mid ka mid ah ciyaarahooda ugu wanaagsanaa waxa ayna ku dhameeyeen 4/2


Source: laacibfm.com

SHARE