Gareth Bale Oo Sabab U Nqon Kara In UU Sergio Ramos Isaga Tago Real Madrid, Qaab Nooce Ah?

Gareth Bale Oo Sabab U Nqon Kara In UU Sergio Ramos Isaga Tago Real Madrid, Qaab Nooce Ah?


Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay wajahayso suurtagalnimada ay ku waayi karto xiddiga Sergio Ramos Xagaaga hadii uu Gareth Bale ku soo laabto kooxda xagaaga.

Kooxda Real Madrid ayaa la sheegayaa in ay ay wajahayso suurtagalnimada ay ku waayi karto xiddiga Sergio Ramos si ay u bixiso mushaharka Gareth Bale sanadkiisa uga dhiman heshiiska kooxda.

Los Blancos ayaa ku jirta xaalada dhaqaale xumo sabab la xidhiidha xanuunka Korona Sergio Ramos ayaana diiday in uu hoos u dhigo mushaharkiisa si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda.

Wargayska AS ayaa sheegaya in xaalada dhaqaale ee uu sababay xanuunka Korona ayaa la macno in ayna Real Madrid awood u lahayn in ay bixiso mushahark Ramos uu doonayo iyo waliba mushaharka Gareth Bale uu kooxda ka qaato xilli uu heshiiskiisu dhici doono xagaaga 2022.

Bale ayaa haatan amaah ugu jooga Tottenham laakiin xiddiga reer Wales ayaa ku dhibaatooday in uu saamayn ku yeesho premier League waxana la filayaa in ay Spurs dib isaga celiso xiddiga xagaaga.

Wararka ayaa sheegaya in Bale iyo Ramos yihiin xiddigaha ugu musaharka badan kooxda waxana uu mushaharkoodu sabab u yahay in ay kooxdu ku dhibaatooto dhanka dhaqaalaha.


Source: laacibfm.com

SHARE