Hakim Ziyech Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Chelsea, Maxaa Cusub?

Hakim Ziyech Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Chelsea, Maxaa Cusub?


Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Hakim Ziyech ayaa lagu soo waramayaa in uu ka fiirsanayo mustaqbalkiisa kooxda chelesea.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa xagaagii hore chelsea kaga soo biiray Ajax laakiin waxa uu ku dhibaatoonayaa in uu wax saamayn ah ku yeesho kooxda xilli ciyaareedka isaga oo kaliya dhaliyay 2 gool iyo 4 caawin tartamada oo dhan.

Xiddiga reer Morocco ayaan u ciyaarin chelsea 3-dii kulan ee ugu dambeeyay premier League isaga oo u muuqda mid ka baxaya qorshaha tababaraha Thomas Tuchel.

Xiddiga ayaa dhawaan lala xidhiidhinayay kooxaha Ac Milan iyo Juventus kuwaas oo si dhaw ula socda mustaqbalka xiddiga ee London.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in uuna xiddiga Ziyech ku faraxsanayn London waliba uu kooxda ka dalaban doono in uu isaga tago bilaha soo socda.


Source: laacibfm.com

SHARE