Harry Maguire Oo Rikoodhayaasha Aan Loo Dhigin Man United U Sababeeyay Jurgen Klopp & Jose Mourinho, Qaab Noocee Ah?

Harry Maguire Oo Rikoodhayaasha Aan Loo Dhigin Man United U Sababeeyay Jurgen Klopp & Jose Mourinho, Qaab Noocee Ah?


Kabtanka kooxda Man United ee Harry Maguire ayaa si weyn uga xanaaqay bar-barihii ay kooxdiisu la gashay West Brom kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Maguire ayaa ku adkaysanaya in goolkii furitaanka ee ay kooxda West Brom dhalisay in uu ahaa khalad lagu galay Victor Lindelof sidaas darteed ayad in la diido.

Sidoo kale Maguire ayaa sheegay in ay ahayd in rikoodhe lagu abaalmariyo kooxdiisa daqiqiadihii ugu dambeeyay kadib markii isaga khalad lagu galay.

Kabtanka Red Devils ayaa sheegay in hadalkii tababarayaasha Jose Mourinho iyo Jurgen Klopp badaleen nasiibkooda rikoodhada xilli ciyaareedkan.

“Tan ilaa markii ay tababarayaasha Jose Mourinho iyo Jurgen Klopp ka hadleen rikoodhayaasha naloo dhigo Waxba kamaanu helin VAR iyo garsoorayaasha”ayuu u sheegay MUTV.


Source: laacibfm.com

SHARE