Liverpool Oo Go’aamisay Xiddiga Ugu Horeeya Ee Ay Dhamaystiri Doonto Saxiixiisa Suuqa Xagaaga.


Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay go’aanstay in daafaca kooxda Torino ee Gleison Bremer noqday xiddiga ugu horeeya ee ay dhamaystiri doonaan saxiixiisa suuqa xagaaga.

Reds ayaa ku jirta masiibo dhaawacyo dhanka daafaca a waxana haatan dhaawac wakhti dheer ah uga maqan xiddigaha Virgil Van Dijk, Joe Gomez iyo Joel Matip xilli Fabinho oo booskaas ka ciyaaray inta badan xilli ciyaareedkan sidoo kale dhaawac ku maqan yahay.

Jurgen Klppp ayaa maalintii ugu dambaysay suuqii January dhamaytiray saxiixyada Ozan Kabak iyo Ben Davies kuwaas oo si ku meel gaadh ah daafaca ugu xoojiyay.

Si kasta ha ahaatee Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Liverpool haatanba xiddiga daafaca ka ciyaara ee reer Brazil ee Bremer ka dhigatay xiddiga ay dhamaystiri doonto saxiixiisa.

Klopp ayaa aaminsan in Bremer yahay xiddiga ugu fiican ee xilli ciyaareedka dambe ka garab ciyaari kara Virgil Van Dijk marka uu dhaawaca ka soo kabsado.


Source: laacibfm.com

SHARE