Man United Oo Bar-Baro Niyad Jab Leh Kala Kulantay West Brom

Man United Oo Bar-Baro Niyad Jab Leh Kala Kulantay West Brom


Kooxda Man United ayaa bar-baro niyad jab leh kala kulantay kooxda West Brom kulan ka tirsanaa premier League todobaadkii 24-aad.


Qaybta Hore:

Kooxda West Brom ayaa ku bilaabatay qaab dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay Man United kaga naxsadaan gool deg-deg ah oo ay ciyaarta dhankooda ugu badiyaan.

West Brom ayaa wixii ay doonaysay heshay waxana ay daqiiqadii 2-aad dhaliyeen goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mbaye Diagne kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kadib goolkaas waxa la filayay in ay West Brom ka faa’iidaysato naxdinta Man United kana dhaliso goolal kale laakiin sidaas ayaan dhicin.

Man United aya wixii intaas ka dambeeyay la wareegtay hogaanka ciyaarta iyaga oo wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen goolka.

Laakiin West Brom ayaa naftooda dul dhigay weerar walba oo ay Man United qaado iyaga oo si waali ah u difaacanayay goolkooda waliba doonayay in ay 90-ka daqiiqadaba difaacdaan.

West Brom ayaan qaadin wax weeraro wax ku ool ah oo ay gool ku dhalin karaan iyaga oo kaliya doonayay in ay difaacdaan goolkooda.

Man United ayaa dhankeeda si waali ah weerar culus u dul dhigtay kooxda West Brom iyaga oo doonayay goolka bar-baraha.

Kadib dadaal badan daqiiqadii 44-aad ayay Man United heshay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Bruno Fernandes kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man United ugu dambayn ku soo laabatay ciyaarta qaybta horena ka baxday bar-baro iyada oo ah.


Qaybta Dambe:

Kooxda Man United ayaa qaybtii dambe sii waday maamulista ciyaarta iyaga oo wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen goolka guusha.

Laakiin West Brom ayaa kala hor timid difaacasho adag oo ay naftooda dul dhigayeen weerar walba oo ay Man United ku soo qaado.

Dhanka kale Kooxda West Brom ayaa heshay laba fursad oo cajiib ah oo ay ciyaarta ku dili karaan laakiin Goolhaye De Gea ayaa ciyaarta ku sii hayay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United lumisay dhibco kale oo Muhiim ah xilli tartanka horyaalku sii dhimanayo.


Source: laacibfm.com

SHARE