Masiibada Dhaawacyada Real Madrid Oo Sii Socota, Xiddig Muhiim Ah Ayaa Ka Dhaawacmay.


Masiibada dhaawacyada Real Madrid ayaa sii socda kadib markii uu dhaawacmay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda ee Dani Carvajal kaas oo dhaawac ka soo laabtay isla kulankii Valencia.

Carvajal ayaa dhaawac ka soo laabtay laakiin waxa uu ku dhaawacmay kulankii ugu horeeyay ee uu ku soo laabtay ciyaarista kooxdiisa.

Idaacada Cadena Ser Ayaa sheegtay in uu daafaca reer Soain ka dhaawacmay muruqa kadib markii uu daqiiqadii 28-aad ku dhaawacmay kulankii Valencia.

Xiddiga Carvajal ayaa lagu soo badalay xiddiga Lucas Vazquez kaas oo isna dhaawac ka soo laabtay isla kulankii Valencia.


Source: laacibfm.com

SHARE