Miyay Liverpool Ka Hartay Loolanka Horyaalka Ingiriiska, Tababare Pep Ayaa Ka Jawaabay


Tababaraha Man City ee Pep ayaa dhigiisa Liverpool ku qilaafay arinta ku aadan in kooxdaas Reds ay xilli ciyaareedkaan awoodi karaan in ay u tartamaan loolanka horyaalka loogu jiro .

Liverpool ayaa guul darro la kulantay wareeggii 24-aad ee xalay waxa ayna ku istaageen 40 dhibic iyo booska 4-aad

Ka dib guul daradaas Leicester City ay kala kulmeen waxa uu tababare Kloop xusay in Liverpool aysan xilli ciyaareedkaan ku jirrin loolanka loogu jiro ku guuleysiga horyaalka .

Balse dhigiisa Man City ee Pep ayaa diiday waxa uuna Manchester Evening ka sheegay” marka aynu eegno qaabkii Liverpool u ciiyaartay kulankii Leicester City waxaan dhihi karaa waa ay awoodaan in ay ku guuleystaan horyaalka , waa dhici kartaa in kulamo lagaa badiyo balse waa ay ka soo kabsan karaan”.

” Wax iska badalay ma jirto xaaladda Liverpool , kaliya nasiibka ayaa ka maqan oo ay sii dheer tahay in go`aaminta natiijada ciyaarta ay ka yaraatay dhawaanahaan”

” Markla laga yimaado arintaas , farsamadii iyo taatikadii weli Liverpool waa ku dambeysaa” ayuu sii raaciyay macalin Pep

City oo horyaalka haatan haysa ayaa xalay guul weyn oo sedex gool oo nadiif ah waxa ay ka gaareen Tottenham .


Source: laacibfm.com

SHARE