Mohamed Salah Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Liverpool, Balan Qaadn-na U Sameeyay.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah Ayaa fariin u diray taageerayaasha kooxda Liverpool kadib guuldaradii Reds ka soo gaadhay Leicester City.
Liverpool ayaa wakhti adag ku jirta kulamadii ugu dambeeyay iyada oo 3 guuldaro oo xidhiidh ah dhabarka loo saaray kulamadii ugu dambeeyay.
Kooxda Liverpool ayaa ku jirta kaalinta 4-aad haatan laakiin Isniinta isku arki karta kaalinta 7-aad ama 6-aad ee kala saraynta premier League.
Xiddiga ugu muhiimsan Liverpool ee Mohamed Salah ayaa fariin u diray Taageerayaasha kooxdiisa kadib guuldaradii Reds ka soo gaadhay Leicester City.
Salah ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray fariintan hoos ku xusan:-
“Waxa aan ku jirnaa wakhti adag sababo badan darteed, waxa aan nahay kooxda difaacanaysa horyaalka waana in aan u dagaalano sida koox difaacanaysa horyaalka ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka”.
“Uma ogolaan doono xilli ciyaareedkeenu in uu qeexo natiijooyinkii ugu dambeeyay ee aan helnay, waa balan aan idiin qaaday dhamaantiin”.
Source: laacibfm.com