Ole Gunnar Solskjaer Oo Ku Digtay Liverpool Kadib Bar-Barihii Ay Kooxdiisu La Gashay West Brom.


Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku digtay kooxda Liverpool kadib markii ay kooxdiisu bar-baraha la gashay West Brom kulan premier League ah.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa meesha ka saaray in ay Liverpool u tartami doonto premier League xilli ciyaareedkan kadib markii ay kooxdiisu bar-baraha la gashay West Brom.

Man United ayaa iska khasaarisay fursad ay u soo yarayn lahayd dhibcaha ay ka dambayso kooxda Man City premier League xilli ciyaareedkan.

Solskjaer oo ka hadlaya tartanka prier League ayaa yidhi”Waan in aan ku soo laabano wadada guulaha si aan cadaadiska ugu sii hayno Man City”.

“Waxa ay ku jiraan qaab ciyaareed fiican laakiin kama quusanayno horyaalka”.

“Waxa ay u muuqataa in Anaga iyo Leicester City tahay in aan dagaalano”ayuu sii raaciyay.

Hadalka Solskjaer ayaa u muuqda mid meesha ka saaraya in ay Liverpoo u tartamayso horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm.com

SHARE