Pjanic: Ma Garanayo Sababta Ka Dambaysa In Aana Joogto Ugu Ciyaarin Barcelona.


Xiddiga Miralem Pjanic ayaa ku soo biiray Barcelona xagaagii isaga oo ahaa saxiixii ugu weynaa ee ay kooxdu samaysay laakiin arimaha ayaan ugu socon xiddiga reer Bosnia sidii uu qorshaynayay waxana uu sheegay in uuna garanayn sababta.

Xiddiga khadka dhexe ayaa ka niyad jabsan in uuna qaab joogto ah ugu ciyaarin kooxda laakiin doonaya in u ka boxo xaalkan uu ku jiro.

“Ma garanayo sababta aanan u ciyaarin inta aan doonaayy in aan ciyaaro”ayuu Pjanic u sheegay Telefoot.

“Waxa aan u shaqaynayaa si adag waana in aan Ixtiraamo go’aanka tababaraha xitaa hadii aanan ku raacsanayn”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE