RASMI: Bayern Munich Oo Xaqiijisay In Ay Liverpool, Chelsea Iyo Man United Ku Garaacday Saxiixa Xiddig Ay Baacsanayeen.

RASMI: Bayern Munich Oo Xaqiijisay In Ay Liverpool, Chelsea Iyo Man United Ku Garaacday Saxiixa Xiddig Ay Baacsanayeen.


Kooxda Bayern Munich ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa daafaca kooxda RB Leipzig ee Dayot Upamecano kaas oo kooxda ku soo biiri doona xagaaga.

Kooxda Bayern Munich ayaa warbixin ku xaqiijisay in ay xiddiga 22 jirka ah ka saxiixatay heshiis uu kooxda kula joogi doono ilaa xagaaga 2026.

Xiddiga reer France ee Dayot Upamecano ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah isaga oo kooxda ku soo biiri doona xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Bayern Munich ayaa saxiixa xiddiga ku garaacday kooxaha Liverpool, Man United iyo Chelsea kuwaas oo dhamaantood doonayay saxiixa xiddiga.


Source: laacibfm.com

SHARE