Real Madrid Oo Badalka Sergio Ramos Ka Heshay Man City.


Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay xiiso u qabto saxiixa xiddiga daafaca kooxda Man City ee Aymeric Laporte si ay ugu badasho Sergio Ramos suuqa xagaaga.

Los Blancos ayaa suuqa u gali doonta saxiixa daafac cusub suuqa xagaaga iyada oo waayi doonta kabtankeeda Sergio Ramos.

Dhawr xiddig ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda kana mid yihiin xiddigaha David Alaba oo ka tagi doona Bayern Munich iyo xiddiga Sevilla ee Jules Kounde.

Wargayska Daily Star ayaa sheegaya in uu Zidane badalka Ramos u calaamadsaday xiddiga kooxda Man City ee Aymeric Laporte kaas oo waayay booskiisa Man City.

Aymeric Laporte ayaa kaliya ku bilowday 3 kulan 4-tii kulan ee ugu dambeeyay premier League isaga oo ka dambeeya xiddigaha Ruben Dias iyo John Stones.


Source: laacibfm.com

SHARE