Rio Ferdinand Oo Qiimeeyay Fursadaha Liverpool Ee Ku Dhamaysiga 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Premier League Kadib Guuldaradii Leicester City.

Rio Ferdinand Oo Qiimeeyay Fursadaha Liverpool Ee Ku Dhamaysiga 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Premier League Kadib Guuldaradii Leicester City.


Halyeeyga kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa sheegay in ay Liverpool ku adkaan doonto in ay xilli ciyaareedkan ku dhamaysato 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premier League kadib guuldaradii ka soo gaadhay Leicester City.

Leicester City ayaa 3/1 ku garaacday liverpool inkasta oo ay Reds ay ku hor martay goolka 1-aad kulanka.

Guuldaradaas ayaa ahayd guuldaradii 3-aad oo xidhiidh ah oo laga badiyay kooxda Liverpool taas oo xaalka ku xumaysay kooxda Liverpool.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa haatan 6 dhibcood ka dambaysa kooxda Leicester City oo kaalinta 2-aad ka gashay kala saraynta horyaalka premier League.

Rio Ferdinand oo la hadlaya BT Sport ayaa yidi”Waxan u malaynayaa in ay ku qasban yihiin in ay si adag u shaqeeyaan si ay ugu dhamaystaan 4-ta boos ee ugu sareeya waxana ay arintaas muhiim u tahay halka ay ku dhamaysan karto”.

“Liverpool way ku dhibaatoon doontaa in ay u soo baxdo booska champions League hadii ay sidan u ciyaarto”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE