Ronaldo Oo Farriin U Diray Saaxibadiisa Juve Ka Dib Guul-daradii Horyaalka Ee Napoli


Ka dib guul daradii horyaalka ee ay Juventus xalay kala kulmeen Napoli , xiddigooda Ronaldo ayaa ku booriyay saaxibadiisa in aysan is dhiibin .

Juve ayaa la kulantay guul darro hal gool ah waxa uuna kulankaas ka tirsanaa wareegga 22-aad ee horyaalka Italy

Bartiisa Twitter-ka ayuu Ronaldo soo dhigay sawir isaga iyo ciyaartooyda kooxda ah waxa uuna ku qoray ” gul-daradaan nama niyad jibineyso , madaxa kor aan u qaadno oo aan ka fikirno kulanka Champion-ka “.

Juve ayaa guul daradaas is taajisay booska 3-aad waxa ayna leeyihiin 42 dhibic xilli Ronaldo uu diiday in guul daradaas ay saameyn ku yeelaneyso loolanka ay horyaalka ugu jiraan

Juve ayaa arbacada marti u noqeysa kooxda Porto oo ay wada leeyihiin kulan tirsan wareegga 16-aad ee Champion-ka


Source: laacibfm.com

SHARE