Sababaha Ay Barcelona U Rumaysantahay In Ay Garaaci Karto PSG

Sababaha Ay Barcelona U Rumaysantahay In Ay Garaaci Karto PSG


Barcelona ayaa isku diyaarinaysa kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan kooxda PSG kana tirsan tartanka champions League lugta 1-aad ee wareega 16-ka.

Markii la sameeyay isku aadka kooxda Barcelona ayaa ku jirtay wakhti adag waxana ay cid walba saadaalinaysay in ay PSG si dhib yar kaga gudbi karto kooxda Barcelona.

Laakiin tan ilaa wakhtigaas waxa dhacay is badal weyn oo dhawr dhinac ah.

Dhaawacyada ayaa ku badanayay kooxda Barcelona wakhtigaas iyada oo ay dhaawacmeen xiddigaha Ansu Fati, Gerard Pique & Sergi Roberto laakiin wax badan ayaa is badalay haatan.

Haatan Barcelona ayaa aaminsan in ay garaaci karaan PSG dhawr sabab darteed oo uu wargayska MARCA Soo saaray.


1.Qaab Ciyaareedka fiican:

Barcelona ayaa ku jirta qaab ciyaareed fiican taageerayaashooda ayaana ku raaxaysanaya daawashada kooxda haatan taas oo war fiican u ah Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa ciyaartay 7 kulan oo horaalka La Liga ah bishii hore dhamaantoodna way badiyeen waxana intaas sii dheer in ay kulamadii ugu dambeeyay guulo ka gaadheen kooxaha Granada iyo Real Betis.


2.Lionel Messi Oo Ku Jira Qaab Fiican:

Qaab ciyaareedka Messi ee kulamadii ugu dambeeyay ayaa ah mid aan loo babac dhigi karin marka loo eego kulanii ugu dambeeyay ee Alaves.

Xiddiga ayaa haatan u muuqda mid ku jira qaab ciyareed cajiib ah waana arin kale oo war fiican u ah kooxda Barcelona.


3.Qaab Ciyaareedka Guud.

Marka Messi laga yimaado guud ahaan xiddigaha kale ee kooxda Barcelona ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah sida Antoine Griezmann & Frenkie de Jong kuwaas oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira kulamadii ugu dambeeyay.


4.Dhaawacyada PSG.

Marka laga yimaado xaalada Barcelona, PSG Ayaa wakhti adag ku jirta haatan.

PSG ayaa waayi doonta kulanka Barcelona xiddigooda ugu fiican ee Neymar kaas oo dhaawac soo gaadhay kulankii ugu dambeeyay ee uu ciyaaray.

Sidoo kale waxa PSG ka maqnaan doona xiddiga Angel Di Maria kaas oo isna seegi doona kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto PSG.


Source: laacibfm.com

SHARE