Shaxda Laga Yaabo In Ay Real Madrid Kaga Hor Tagto Valencia

Shaxda Laga Yaabo In Ay Real Madrid Kaga Hor Tagto Valencia


Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Valencia kulan adag oo horyaalka La Liga ah kana tirsan todobaadkii 23-aad ee horyaalka.

Zidane ayaa kulanka soo galaya isaga oo isha ku haya in ay uu kooxdiisa ku hogaamiyo guul muhiim ah kadib markii ay kooxdiisu dib ugu dhaadhacday kaalinta 3-aad kadib guushii Barcelona.

Tababare Zidane ayaa haysta koox dhaawacyo dileen isaga oo ay ka maqan yihiin xiddigo muhiim ah dhaawacyo uga maqan yihiin kulankan adag.

Laakiin Zidane ayaa war fiican ka helay isaga oo dib u helay xiddigo ka maqnaa sida Vazquez iyo Kroos oo ganaax iyo dhaawac ka soo kala laabtay.

Hadaba waxa uu wargayska Sports Mole soo saaray shaxda laga yaabo in ay Real Madrid kaga hor tagto kooxda Valencia kulanka galabta 6:15 soo gali doona.


Source: laacibfm.com

SHARE