Thomas Tuchel Oo Fariin U Diray Ben Chilwell Kadib Markii Uu Booskiisa U Waayay Marcos Alonso.

Thomas Tuchel Oo Fariin U Diray Ben Chilwell Kadib Markii Uu Booskiisa U Waayay Marcos Alonso.


Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa xiddiga Ben Chilwell u sheegay in uu ku jiro qorshihiisa inkasta oo uu booskiisa u waayay xiddiga Marcos Alonso kulamadii ugu dambeeyay.

Chilwell ayaa kooxda chelsea kaga soo biiray xagaagii isaga oo si deg-deg ah u muhiim ugu noqday tababarihii hore Frank Lampard laakiin ku dhibaatooday in uu boos ka helo tababare Thomas Tuchel ilaa haatan.

Alonso ayaa dib ugu soo laabtay kooxda 1-aad tan ilaa markii uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday kooxda waxana uu waliba soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Si kasta ha ahaatee Tuchel ayaa sheegay in uu Chilwell wali ku jira qorshihiisa waliba heli doono fursad uu awoodiisa ku muujiyo.

“Hadii uu ka wal-walsanyahay booskiisa waan fahmi karaa laakiin waxa aan mar walba qaataa go’aan adag isaga ayuuna ka soo hor jeedaa go’aankaas”ayuu Tuchel yidhi.

“Sababta aan u dooranay Marcos ayaa ah in uu ku ciyaari karo 5-ta daafac sababta oo ah waxa uu sidaas uga soo hoos ciyaaray Antonio Conte sidaas darteed waxa uu difaacan karaa kubadaha madaxa ah”ayuu sii raaciyay.

“Marcos waxa uu ilaa haatan qabtay shaqo fiican waxana uu dhaliyay gool muhiim ah sidaas darteed ayuu ugu bilowdaa kulamada”.

“Laakiin Chilwell waxa uu badali karaa xaalada hadii uu si fiican u ciyaaro kuna kalsoonaado naftiisa sidoo kale ku kalsoonaado shaqaalaha tababarka chelsea”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE