Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Arsenal Garaacday Leeds United.


Kooxda Arsenal ayaa garaacday kooxda Leeds United kulan ka tirsanaa horyaalka premier Leageu kana dhacay garoonka Emirates.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang (3) Iyo Hictor Bellerin Ayaa Arsenal ka caawiyay in ay guul 4/2 ah ka gaadho kooxda Leeds United.


Hadaba Waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka:

1.Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ku lug lahaa 18 gool 17 kulan oo uu ka hor tagay kooxaha soo dalacay 14 gool iyo 14 caawin isaga oo waliba gool ka dhaliyay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee uu Emirates kaga hor tagay kooxaha u soo dalacay Premier Lealgue.

2.Pierre-Emerick Aubameyang ayaa gool dhaliyay laba jeer oo uu ku bilowday shaxda Arsenal xilli ciyaareedka tan ilaa bishii February.

3.Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyay goolkiisii 200-aad ee 5-ta horyaal ee ugu waaweyn tan ilaa markii uu kulankiisii ugu horeeyay ciyaaray 2009/2010 markaas oo uu u ciyaaray kooxda Lille.

4.Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ah xiddigii 3-aad ee taariikhda Premir League gool dhaliya maalinta jacaylka adduunka ee kadib Matt Le Tissier vs Liverpool 1994 and Michael Owen vs Sheffield Wednesday 1998.

5.Tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkii 2009/2010 xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ka mid ah 3 xiddig oo saddexley ka dhaliyay 5-ta horyaal ee ugu waaweyn yurub labada xiddig ee kale ayaa ah Alexis Sanchez iyo Salomon Kalou.


Source: laacibfm.com

SHARE