Xog : Miyuu Casemiro Ka Tagayaa Real Madrid , Yaana Doonaya Saxiixisa?


Wargeyska Marca ayaa daboolka ka qaaday sida uu noqon kara mustaqbalka Casemiro ee Real marka suuqa xagaaga uu furmo

Casemiro ayaa Real u yimid 8 sano ka hor gaar ahaan sanadkii 2013-kii waqtigaas oo uu ka soo wareegay kooxda reer Brazil ee São Paulo

Warar ayaa dhawaan sheegay in qadkaas dhexe reer Brazil uu kooxda ka tagayo xagaaga xilli PSG ay si fog u dooneyso saxiixiisa .

Balse wargeyskaas ayaa sheegaya in 28 sano jirkaas uu ku war giliyay maamulka kooxda in uusan dhag jalaq u siineyn dalab waliba oo laga keeno arintaas ayna sidoo kale laga qabto kooxda .

Hishiiska Casemiro ee Real ayaa dhacaya xagaaga 2023-ka , waxaana xusid mudan in aysan aheyn markii ugu horeysay ee PSG soo damcayaan laacibkaas oo xagaagii hore ayaa laga diiday .

Casemiro ayaa lagu tirayaa xiddigaha ugu muhiimsan kooxdaas Real waxa uuna xilli ciyaareedkaan saftay 26 kulan dhamaan tartamada ,waxa uu dhaliyay 5 gool halka laba kalana uu sameeyay


Source: laacibfm.com

SHARE