Antonio Rudiger Oo Digniin U Diray Man City & Man United.

Antonio Rudiger Oo Digniin U Diray Man City & Man United.


Daafaca kooxda Chelsea ee Antonio Rudiger ayaa sheegay in ayna chelsea wali ka hadhin tartanka horyaalka premier League xillli ciyaareedkan inkasta oo ay 14 dhibcood ka dambayso kooxda Man City.

Chelsea ayaa si xoogan ku bilaabatay xilli ciyaareedka kana mid haa kooxihii ugu cad-cadaa ee loo saadaalinayay horyaalka premier League.

Laakiin kooxda ayaa wakhti adag soo qaadatay kulamadii ugu dambeeyay iyaga oo kaliya 2 guul gaadhay 8 kulan oo uu Lampard hogaaminayay kooxda.

Laakiin Imaatinka Thomas Tuchel ayaa kor u soo qaaday qaab ciyaareedka kooxda iyaga oo aan guuldaro la kulmin ilaa haatan.

Antonio Rudiger ayaana sheegay in ay kooxda chelsea wali u tartamayso ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

“Waxa jira tartan loogu jiro 4-ta boos ee ugu saraysa iyo tartan loogu jiro horyaalka, waxa u malaynayaa in aanu eegno u tartanka horyaalka”ayuu Antonio Rudiger Yidhi.

“U Jeedkeena ayaa ah in aan u tartano horyaalka premier League xilli ciyaareedkan waliba aan kulan walba sidiisa u ciyaarno”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE