Antonio Rudiger Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Chelsea , Miyuu Baxayaa Mise?

Antonio Rudiger Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Chelsea , Miyuu Baxayaa Mise?


Daafaca Chelsea ee Rudiger aaya gacan u haatiyay in uu doonayo in hishiis cusub uu u saxiixo kooxdaas galbeedka London ka dhisan.

Laacibkaas hore Roma ayaa ku dhibaatooday kooxdaas oo waqtigii tababare Lampard ma uusan heli jiirn kulamo uu joogto uu u safto balse haatan waxa uu u muuqdaa in xaalkiisa uu is badalay ka dib markii macalinka cuusb uu yimid kooxdaas ee Thomas Tuchel .

Laacibkaan oo uu hishiikiisa dhacayo xagaaga 2022-ka ayaa dhawaanahaan lala xariirnayay in uu baxayo balse haatan fariin ah in uu doonayo in uu sii joogo kooxda ayuu u diray maamulka sare ee Chelsea

Sky Sports  ayuu Rudiger ka yiri” dhgankeyga xaalkeyga waa degan yahay balse ma qarinayo waan isla hadlay markii aan kursiga keydka galay”

” Balse haatan kooxda ayaan dib ugu soo laabtay waxaana doonayaa laag bilaabo haatan in aan sii joogo Chelsea waxaana u dagaalamayaa in aan xajisto booskeyga” ayuu sii raaciyay

Rudiger ayaa dhameystay 90-ka daqiiqo lixdii kulan ee ugu dambeeyay Chelsea ee horyaalka waxaana ku jirta afartii kulan ee uu hogaamiyay tababaraha cusub ee Tuchel .


Source: laacibfm.com

SHARE