Arin Ka Ciusub Mustaqbalka David Luiz Ee Arsenal, Maxuu Tababare Arteta Damacsan Yahay?

Arin Ka Ciusub Mustaqbalka David Luiz Ee Arsenal, Maxuu Tababare Arteta Damacsan Yahay?


Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in kooxda Arsenal ay damacsan tahay in hishiis cusub ay ku abaal mariyaan daafacooda David Luiz

Wiilkaas reer Brazyl ayaa Arsenal u yimid xagaagii 2019-kii waxa uuna waqtigaas ka soo wareegay kooxda galbeedka London ka dhisan ee Chelsea

Arsenal oo horay hishiiska ugu kordhisay laacibkaas kaasi oo sii jiraya illaa iyo xagaaga 2021 –da ayaa haatan waxa ay damacsan yihiin in mar labaad ay ka saxiixdaan qanadaraas cusub .

Wargeyska The Sun ayaa qoraya in tababare Arteta uu la dhacsan yahay Luiz isaga oo u arka in uu saameyn ku leeyahay kooxda iyo da`yarta Arsenal , waxa uuna doonayaa in uu kooxda ku sii hayo Luiz

Inkastoo laacibkaan reer Brazil qaladaaad ka dhaca kooxda  ay ku keento guul darooyin hadana Arteta waxa uu aamisna yahay in  qibaradiisa ay kooxda wax badna ka faa`ideyso waxaana la filayaa in uu saxiixo hishiis dheeraad ah oo hal sano ah

Waxaa xusid mudan in David Luiz uu Arsenal u saftay xilli ciyaareedkaan 20 kulan dhamaan tartamada ay ku jirto kooxdaas waqooyiga London ka dhisan


Source: laacibfm.com

SHARE