Arsenal Oo War Xun Ka Heshay Xaalada Aubameyang Ka Hor Kulanka Man City?


Kooxda Arsenal ayaa war xun ka heshay xaalada kabtankeeda Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo saddexley u dhaliyay kooxdiisa kulankii ay Gunners garaacday Leeds United.

Gunners ayaa soo afjartay 3 kulan oo bilaa guul ah iyaga oo garaacay kooxda Leeds United ugaan mahad celinaya kabtankooda Pierre-Emerick Aubameyang.

Laakiin xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayuu soo gaadhay dhaawac kuraanta ah intii uu socday kulankii ay Arsenal garaacday kooxda Leeds Unite.d

Tababare Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in uu dhaawac ka soo gaadhay Pierre-Emerick Aubameyang kuraanta laakiin rajaynayo in uu taam u noqdo kulamada soo socda.

“Waxa uu dareemay xanuun xoogan oo kuraanta ah laakiin waxa aan rajaynayaa in uuna dhaawac xun ahayn”


Source: laacibfm.com

SHARE