Bruno Fernandes & Ole Gunnar Solskjaer Oo Isku Dhacay Intii Uu Socday Kulankii West Brom & Hadalkii Dhexmaray Oo La Maqlay.

Bruno Fernandes & Ole Gunnar Solskjaer Oo Isku Dhacay Intii Uu Socday Kulankii West Brom & Hadalkii Dhexmaray Oo La Maqlay.


Tababaraha Kooxda Man United iyo xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes ayaa isku dhacay intii uu socday kulankii ay Man United bar-baraha la gashay kooxda West Brom xilli uu tababaruhu xiddiga ku canaantay booska uu ka ciyaarayay.

Xiddiga reer Portugal ayaa kooxda Man United ka badbaadiyay guuldaro ka soo gaadha West Brom kadib markii kooxda Red Devils gool wakhti hore ah laga dhaliyay.

Laakiin waxa soo baxay warar sheegaya in uu Ole Gunnar Solskjaer Si weyn u canaantay xiddiga intii uu socday kulanku.

Ole Gunnar Solskjaer oo xanaaqsan ayaa la maqlyay isaga oo xiddiga Ferdnandes ka dalbanaya in uu garabka midig ee khadka dhexe ka ciyaaro.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa ka daba ciyaaryay xiddiga Edinson cavani xilli Marucus Rashford ka ciyaarayay garabka midig halka Anthony Martial ka ciyaarayay garabka bidix.

Xiddiga ugu goolasha badan Man United oo aan faraxsanayn ayaa Solskjaer ugujawaabay”Laakiin waxa banaan khadka dhexe ee weerarka”.

Laakiin tababaraha ayaa ugu jawaabay”Laakiin booskaas waxa iska leh Anthony Martial”.


Source: laacibfm.com

SHARE