“Kuma Qanci Doono Halkan Arin”:-Ole Gunnar Solskjaer Oo Digniin U Diray Man City


Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa diginiin adag u diray kooxda hogaaminaysa horyaalka Premier League ee Man City.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in ayna kooxdiisu ku qanci doonin kaalinta 2-aad Man City-na kula tartami doonto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan inkasta oo ay bar-baro niyad jab leh kala kulmeen West Brom.

Kooxda Man United ayaa 7 dhibcood ka dambaysa hogaamiyayaasha Man City xilli 14 kulan ka hadhsanyihiin dhamaadka xilli ciyaareedka.

“Waa wax laga niyad jabo in aan bar-baro la galno West Brom, waxa aan u nimid in aan guulo gaadhno”.

“Waxa aanu ku dhibaatoonay in aan abuurno fursado aanu ku dili karno ciyaarta”.

“Wali horyaalku waa socdaa wax walbana way dhici karaan kumana qanci doono kaalinta 2-aad”ayuu sii raaciyay.

“Isa dhiici doono wakhti hore”ayuu sii raaciyay tababaruhu.


Source: laacibfm.com

SHARE