Lionel Messi Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Cristiano Ronaldo Dhigay Kadib Labadii Gool Ee Uu Ka Dhaliyay Real Betis.

Lionel Messi Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Cristiano Ronaldo Dhigay Kadib Labadii Gool Ee Uu Ka Dhaliyay Real Betis.


Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa bar-bareeyay rikoodhka Cristiano Ronaldo ee laga dhaliyo kubada furan inkasta oo uu 3 sano ka yaryahay xiddiga ay xafiiltamaan.

Xiddiga kooxda Barcelona ayaa 2 gool ka dhaliyay Sabtidii kooxda Alaves kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga isaga oo dhaliyay goolkiisii 15-aad xilli ciyaareedka iyada oo 2 gool-ba ka yimaadeen meel ka baxsan dilinta ganaax.

Lionel Messi ayaa la bar-bar dhigaya Cristiano Ronaldo tan ilaa markii uu xiddiga reer Portugal ku biiray kooxda Real Madrid sanadkii 2009.

Labadii gool ee uu ka dhaliyay Alaves ayaa la macno in uu Lionel Messi dhaliyay 573 oo kubad furan isaga oo la bar-baro noqday xiddiga Cristiano Ronaldo.

Kooxda.com ayaa xusaysa macnaha kubad furan in ay tahay goolasha ay labada xiddig sida caadiga ah u dhaliyeen ee aan ahayn rikoodhayaasha.


Source: laacibfm.com

SHARE