Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Xaalada Dhaawac Ee Virgil Van Dijk.

Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Xaalada Dhaawac Ee Virgil Van Dijk.


Kooxda Liverpool ayaa war fiican ka heshay daafaca ay u jabtay ee Virgil van Dijk kaas oo ku soo laabanaya tababarka kooxda maanta oo Isniin ah.

Daafaca Virgil van Dijk ayaa markii hore ku maqnaa maagalada Dubai halkaas oo uu kaga shaqaynayay soo laabashadiisa kadib dhaawacii soo gaadhay.

Daafaca ayaa bilihii la soo dhaafay tababar joogto ah ku qaadanayay garoonka tababarka Nad al Sheba Complex ee magaalada Dubai ku yaala.

Laakiin xiddiga ayaa markii ugu horaysay ku soo laabanaya tababar uu ku qaato garoonka tababarka cusub ee kooxda Liverpool ee AXA Training Centre.

Wargayska Liverpool Echo ayaa sheegaya in Van Dijk tababar ku qaadan doono garoonka AXA Training Centre xilli uu heer kale u qaadayo tababarka soo laabashadiisa.


Source: laacibfm.com

SHARE