Mauricio Pochettino Oo Kashifay Qorshaha Uu Damacsanyahay In Uu Ku Garaaco Barcelona.

Mauricio Pochettino Oo Kashifay Qorshaha Uu Damacsanyahay In Uu Ku Garaaco Barcelona.


Mauricio Pochettino ayaa sheegay in uu xiddigaha kooxdiisa dul dhigayo Kalsoonida kulanka ay PSG la ciyaari doonto Barcelona champions League.

Kooxda reer France ayuu ka maqnaan doonaa xiddiga 1-aad ee Neymar laakiin wargayska MARCA ayaa sheegay in uu tababare diyaariyay qorshe uu doonayo in uu ku garaaco Barcelona.

“Dabcan waxa aan u baahanahay qorshe cad iyo fikrado ku saabsan sidii aan u weerari lahayn una difaacan lahayn”ayuu Mauricio Pochettino yidhi.

“Laakiin mar walba waan ku kalsoonahay xiddigahaygu in ay qaban karaan shaqada sida ugu fiican waliba aan natiijo fiican kala bixi karno kulanka”.

Kulanka ayaa dhici doona salaasada waana kulan si weyn looga sugayo adduunka oo dhan marka loo eego in ay labada kooxoodba ka mid yihiin kooxaha ugu fiican yurub.


Source: laacibfm.com

SHARE