Mikel Arteta Oo Kashifay Sababta Ka Dambaysa Dhaawacyada Badan Ee Thomas Partey.


Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in uu xiddiga Thomas Partey dareemayo cadaadis uu sabab u yahay lacagtii laga soo bixiyay xagaagii.

Xiddiga reer Ghana ayaa la dhibaatoonaya dhaawacyo tan ilaa markii uu 45 milyan ugaga soo biiray Atletico Madrid xagaagii.

“Wuu ogyahay lacagta la soo siiyay taas ayaana dusha ka saaraysa cadaadi dheeraad ah”ayuu Arteta yidhi

“Marka aanad ciyaari karin, waxa aad wax walba u samaynaysaa si aad deg-deg ugu soo laabato garoomada waxana ay taas keenaysaa in ay uu mar kale dhaawacmo”

Thomas Partey ayaa 3 jeer dhaawacmay ilaa haatan xilli ciyaareedkan isaga oo kulamo badan ka maqnaa kooxdiisa sabab la xidhiidha dhaawac.


Source: laacibfm.com

SHARE