Mikel Arteta Oo Qiimeeyay Fursadaha Ay Kieran Tierney & Thomas Partey Kaga Hor Tagi Karaan Man City Todobaadka Dambe.


Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa hoos u dhigay fursadaha ay xiddigaha Kieran Tierney & Thomas Partey ka hor tagi doonaan Man City kulanka Premier League ee todobaadka dambe.

Gunners ayaa labada xiddig ku wayday dhaawac kulamadii ugu dambeeyay uguna dambeeyay kulankii ay Arsenal guusha 4/2 ah ka gaadhay kooxda Leeds United.

Labada xiddig ayaa si adag u shaqaynaya sid ay taam ugu noqdaan kulamad kooxdooda wakhtiga soo socda laakiin labada xiddig ayaa seegi doona kulanka City.

“Waxa ay u muuqataa in ayna suurtagal ahayn”ayuu Mikel Arteta yidhi markii la waydiiyay in ay labada xiddig taam u noqon karaan kulanka Arsenal.

“Laakiin waxa jira xiddig fursad fiican haysta waana Keiran sababta oo ah waxa laga yaabaa in uu tababarka la qaato kooxda maalmaha soo socda”.

“Laakiin ma garanayo in ay taam u noqon karaan kulanka hadii ay wax is badalaan”.


Source: laacibfm.com

SHARE