Miyuu Gerard Pique Taam U Yahay Kulanka PSG?

Miyuu Gerard Pique Taam U Yahay Kulanka PSG?


Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa taam buuxa u noqday kulanka ay kooxdiisa Barcelona la ciyaari doonto kooxda PSG kana tirsan champions League.

Daafaca reer Spain ayaa ku soo laabtay tababarka bilowgii todobaadkan kadib markii uu qaliin jilibka ah galay bishii November 2020 waxana uu xiddigu si buuxda uga soo kabsaday dhaawaca.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in tababaraha kooxda Barcelona ee Ronald Komen uu ku bilaabi karo shaxdiisa hadii uu daafacu ku baaso tijaabada ugu horaysa ee saacado ka hor kulanka.

Barcelona ayaa ku dhibaatoonaysa dhaawacyo dhanka daafaca ah marka ay la ciyaari doonto kooxda PSG iyada oo ay xiddigo muhiim ah uga maqan yihiin dhaawac.


Source: laacibfm.com

SHARE